Xildhibaano Xawaaraha dhima! Talo Muhiim ah oo ku socota Xildhibaanada Golaha Shacabka

Runtii dhib weyn baa heysta Xildhibaanada 2da Aqal , waxaa sida xabado baas ah loogu furay Sharciyo tiro beel ah oo aaney wada fahamsaneyn, looma ogolaan waqti ay uga soo fekeraan ama ku soo fahmaan nuxurka sharciyadan, iyo mustaqbalka waxa ka dhalan doona.

Sidaas oo ay tahay Xildhibaanadu waxey doorkaan dhigeen Record cusub, waa Baarlamaankankii  ugu horeeyay ee ebid hal KALFADHI  ansixiyay sharciyadii ugu badnaa,  waxaa la hor keenay in ka badan 26 Hindise Sharciyeed iyo 7 Heshiis oo Caalamiya, qaarkood waxey ansixiyeen iyaadoo aan la marsiin hab raacii xeer hoosaadka ee dhigayay  in sharci walba uu mariyo sadex akhris, qaar waxey isku dhaafiyeen sidii uu sharcigu dhigayay, qaar waxey marayaan akhrisyadii, qaarna waxaa ku socda ka doodistii mudanayaasha.

Balse marka aad u kuurgasho habka ay u dhacaan kulamadoodu, ama ay uga doodayaan sharciyada,   iyo hab hogaaminta gudoonka Baarlamaanka 11-aad, intuba waa kuwa ku shaki gelaya, , markaadse ka eegto xaga aqoonta, da’da iyo waayo aragnimada iyo miisaanka ay leeyihiin sharciyada sida daadka loogu soo fatahay Baarlamaanka, iyaduna waa mid  kaloo Su’aal laga keeni karo natiijooyinka ka dhalanaya shaqadooda, Shaki kuma jiro in 3/2  ay golayaashu Baarlamaanku yihiin dhalinyaro  ku cusub masraxa sharci dejinta dalka, intaa waxaa u dheer iney rabaan iney inta badan safraan oo ay dibadaha soo arkaan, Waayoo fursad bey u tahay iney sidaa yeelaan, Maxaa yeelay noloshaan ayaa ah mid ku cusub.

Haa waa run, waxba kama gelin iyaga nuqulada sharciyada ah ee maalin walba lagu soo raro si ay u soo akhriyaan, inta meel isaga tuuraan ayey Subaxa xiga marka ay fadhiyada soo aadayaan meeshii ka soo qaadaan, qaarkoodna danooda kale ayey iska raacdaan, waana sababta aan maalin walba u maqleyno fadhiyadii Baarlamaanku waxey u baaqdeen Kooram la’ aan, ama aan u arkeyno sharciyadii dalka oo iyadoo aan si hufan looga baaraan dagin leys  dhaafinayo.

Iyagu wax eed ah kuma laha waxa dhacaya, waayoo waxey bartanka uga jiraan mowjado ka waaweyn oo aysan miisaami karin, waxeyna la tacaalayaan iska caabintooda, waxaase eedda inteeda badan iska leh iyadoo aan laga dhisin dhanka fahamka iyo waajibaadka ka saaran ilaalinta danta Dalka Iyo dadka Soomaaliyeed, cidda isku soo fasaxday iyaga iyo sharciyadaan, hadda kursigii Baarlamaanka FS,  waxaa fasiraaddiisii lagu soo koobay mid Reereed oo keliya, halka micnihiisa saxda ay aheyd in uu kursiga Federaalku isku wado Qaranka iyo Reerkaba, maanta sharciyada Baarlamaanka la horkeeno  waxaa lagu eegaa indho qabiil, Xildhibaankii dood ka keenana waxaa loogu shaabadeeyaa,  “waxaad  ka soo horjeeddaa danta reer hebel,”  sharciyada qaarkood ka doodistooda Xildhibaanadu wey ka dhuuntaan, kuwana waxey golaha soo buuxiyaan maalinta laga doodayo sharciga Hey’adaha kuwa ku reerka ah ay keenaan, halka qaarna dibadaha ayey ku maqan yihiin, qaar kalena golaha waa iska dhex fadhiyaan oo waxey layaaban yihiin sida ay wax u socdaan.

Xildhibaanadu waagii hore waxey u shiri jireen kudlad kudlad ama koox koox hadba intii isku dan ah ama isku aragti Siyaasadeed ah, waxeyna ka hadli jireen arimo dan guud ah ama mid dan siyaasadeed ah, sheekada qabiilkuna waxey aheyd mid ay si hoose u wateen, balse Baarlamaanka maanta jooga marna lama arag iyagoo u shiraya koox koox iyo aragti wadaag Siyaasadeed, waxaanse  aragnaa in shirar koodu ay  ku soo aruureen  kuwa Qabiil, oo looga hadlayo dan Reereed oo keliya, tanina waa mida hoos u dhigtay heybaddii uu lahaan jiray Baarlamaanku.

Ugu dambeyn, waxaan kula talin lahaa Mudanayaasha Baarlamaanku iney gaariga xawaarihiisa dhimaan, islamarkaana ay waasiciyaan maskaxdooda iyo masuuliyadooda,si fiicana ay dhuuxaan sharciyada dalka, hadii kale  hadhow yaan la  idin arag midkiin cabaya, marka uu  Tareenka aad saaran tihiin idinla dhaafo  halka aad rabteen inaad ku jooji saan.!!!

Abdulkadir Farah Dulyar
Mogadishu, Soomaaliya

- Advertisement -